Ciidamo katirsan Xukuumadda Afghanistan oo isku dhiibay dowladda Pakistan.

Tuesday July 27, 2021 - 12:10:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan Xukuumadda Afghanistan oo isku dhiibay dowladda Pakistan.

    Firxadka ciidamada xukuumadda dabadhilifka Afghanistan ayaa xuduudda jabsaday xilli ay is fidin ballaaran wadaan dagaalyahannada Jihaadiga Taliban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Firxadka ciidamada xukuumadda dabadhilifka Afghanistan ayaa xuduudda jabsaday xilli ay is fidin ballaaran wadaan dagaalyahannada Jihaadiga Taliban.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa xaqiijinaya in ciidamo afartameeyo ah ay isaga carareen deegaannada xuduudda dhaca ayna gudaha ugaleen Pakistan.

Mas'uul uhadlay melleteriga Pakistan ayaa xaqiijiyay in xuduudda ay kasoo tallaabeen illaa 46 askari kuwaas oo saldhigyadii ay ku sugnaayeen ay kala wareegeen dagaalyahannada Taliban.

Xukuumadda Islam'abad waxay sheegtay in ciidamadu ay magangelyo weydiisteen kadib markii ay kasoo tallaabeen marin xuduudeedka Shiitraal halkaas oo goor sii horraysay ay lawareegeen ciidamada Imaarada Islaamiga ah.


Inta badan deegaannada kulaala xuduud beenaadka ay wadaagaanka dalalka Afghanistan iyo Pakistan waxaa la wareegay dagaalyahannada Taliban waxaana xusid mudan iyo boqolaal askari oo daacad u ahaa xukuumadda Kaabuul ay iska dhiibeen wadamo ay kamid yihiin Tajakistan,Iiraan,Turkuministaan iyo Shiinaha.

Related Items