Shacab Soomaali ah oo lagu gummaaday gobolka Sitti iyo dad caraysan oo waddo muhiim ah xiray.

Tuesday July 27, 2021 - 14:58:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacab Soomaali ah oo lagu gummaaday gobolka Sitti iyo dad caraysan oo waddo muhiim ah xiray.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaligalbeed ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay xasuuq lagu laayay dad badan oo soomaaliyeed ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaligalbeed ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay xasuuq lagu laayay dad badan oo soomaaliyeed ah.


Dad ku sugan gobolka Sitti ayaa xaqiijiyay in weerar shalay ka dhacay magaalada Garbe Ciise uu sababay dhimashada ku dhowaad sedax boqol oo ruux.

Maleeshiyaad hubaysan oo isugu jira Cafar iyo Tigree ayaa la sheegay in ay weerareen dad Soomaali ah oo ku sugnaa Garbe Ciise, dadka la xasuuqay ayaa isugu jiray haween,carruur iyo dhalinyaro deegaanka ah.

Markii uu xasuuqu dhacay kadib ayay dad caraysan waxay jareen khadka Tareennada ee isku xira Itoobiya iyo Jabuuti kaasi oo mara gobolka Sitti.


Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Soomaali caraysan oo jarjaraya biraha khadka Tareennada,sidoo kale dadka caraysan ayaa gooyay wadada sariica ah ee xiriirisa Itoobiya iyo Jabuuti.

Hoggaamiyaasha bulshada dhulka Soomaaligalbeed ayaa jabhadda Cafarta ku eedeeyay in ay xasuuq geysanayaan iyagoo taageero ka helaya Jabhadda qowmiyadda Tigreega ee TPLF loo yaqaan.

Iska hor'imaadyada udhaxeeya Cafarta iyo Soomaalida ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay gobolka Sitto balse khasaaraha ugu daran wuxuu yimid tan iyo markii ay TPLF kusoo biirtay coladda, ciidamada xabashida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay sheedda ka eeganayeen xasuuqii loo geysanayay shacabka soomaalida.





Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items