9 askari oo ku dhintay qarax iyo iska hor'imaad ka dhacay deegaan katirsan Hiiraan.

Monday July 26, 2021 - 13:23:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    9 askari oo ku dhintay qarax iyo iska hor'imaad ka dhacay deegaan katirsan Hiiraan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax iyo iska hor'imaad ciidamo katirsan DFS lagula beegsaday deegaan dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax iyo iska hor'imaad ciidamo katirsan DFS lagula beegsaday deegaan dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Qarax maanta barqadii ka dhacay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Dowlada Federaalka.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah waxaana ku dhintay 2 askari halka 3 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gebi ahaanba uu burburay gaariga Tiknikada ah ee ay miinadu beegsatay, deegaanka Coomaad ee uu qaraxu ka dhacay ayaa hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.


Dhinaca kale qaraxa kadib iska hor'imaad culus ayaa deegaanka Coomaad ku dhaxmaray ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan iyo maleeshiyaad katirsan DF-ka.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka oo muddo ku dhow hal saac socday wuxuu sababay in guuldarro dhabarka loo saariyo maleeshiyaadka dowladda.

Meydadka 7 askari ayaa lagu arkay goobta dagaalka, ciidamada wilaayada Islaamiga ayaa gacanta ku dhigay 4 qori oo mid kamida uu ahaa PKM ama dabajeex halka sedaxda kale ay ahaayeen AK47.

Isku geyn khasaaraha dhimasho ee ka dhashay iska hor'imaadkii iyo qaraxii ka dhacay Coomaad waa 9 askari iyo dhaawaca 9 kale.
Warbaahinta ayaa heshay qaar kamid ah magacyada askarta iyo saraakiisha ku dhintay dagaalkii maanta kuwaas oo meydadka looga tagay meydaanka dagaalka.
 Magacyada waxaa kamid ah

1 Guray Xasan Cilmi oo ahaa Taliye horin waa dhintay

2 Cabdi Riike oo ahaa Sarkaal ka tirsan Nabad sugida waa dhintay

3 Cumar dhurwaa waa Sarkaal waa dhintay

4 Macaane waxaa uu ahaa Askari waa dhintay

5 xaayoow waa Askari waa dhintay.

6 C/Casiis Daba-suun waa Askari waa dhintay

Sarkaal lagu magacaabi jiray Bakaal darajadiisuna aheyd 2 xidigle ayaa la sheegay in isagoo dhaawac halis ah qaba lageeyay isbitaal kuyaal degmada Guriceel.

 Mas'uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Al Shabaab sida uu baahiyay Raadiyaha Islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items