Sarkaal ciidan oo duleedka Muqdisho lagu dilay iyo Saldhigga Awdheegle oo la weeraray.

Sunday July 25, 2021 - 12:30:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ciidan oo duleedka Muqdisho lagu dilay iyo Saldhigga Awdheegle oo la weeraray.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubaysan ayaa xalay deegaanka Weydoow ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka kaasi oo caan ka ahaa deegaanno katirsan Sh/hoose.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ladilay Isxaaq Max'med Abuukar oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Sh/hoose.

Sarkaalkan ladilay ayaa caan ku ahaa dilal aan kala sooc laheyn oo uu ka geysan jiray deegaanno katirsan Sh.hoose, dhinaca kale weerar madaafiic loo adeegsaday ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhigga ciidanka dowladda ee degmada Awdheegle.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa 10 askari ay ku dhaawacmeen weerarkii madaafiicda ahaa ee xalay lagu qaaday saldhigga Awdheegle.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items