Laba sano oo Kasoo Wareegatay Weerarkii lagu dilay C/raxmaan Yariisoow [Warbixin].

Saturday July 24, 2021 - 20:00:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Laba sano oo Kasoo Wareegatay Weerarkii lagu dilay C/raxmaan Yariisoow [Warbixin].

    Muddo 2 sano ah ayaa kasoo wareegatay markii Xarakada Al-Shaabab ay soo afjartay maamulkii gobolka Banaadir ee DF, islamarkaana uu hor-kuutinayay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo heystay dhalashada dalka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo 2 sano ah ayaa kasoo wareegatay markii Xarakada Al-Shaabab ay soo afjartay maamulkii gobolka Banaadir ee DF, islamarkaana uu hor-kuutinayay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo heystay dhalashada dalka Ingiriiska.


Maanta oo kale 24 bishii Luulyo sannadkii 2019, weerar weyn oo abaabulan ayaa ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee "Fisha Gubeerna” halkaasoo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameynayay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa 25 Luulyo, 2019, sheegay in ujeedada weerarku ahayd in lagu khaarajiyo Ergaygaasi Mareykanka u dhashay, waxaase ku dhintay madaxdii maamulka gobolka Banaadir oo markaasi shir ku jiray, wax yar kadib markii uu ka tagay ergaygu.



DF, ayaa maanta oo Sabti ah qabatay baroor-diiq u gaar ahayd Cabdiraxmaan Yariisow mana dhicin in kulankaasi lagu xuso agaasimayaashii iyo gudoomiyaashii degmo ee ku dhintay dhacdadaas.

Weerarkaas oo lagu jaray mid kamid ah hawlbawlayaasha DF ayaa tan iyo xilligaas la dareemayaa saamaynta uu reebay maxaa yeelay waxaa lagu dumiyay maamulkii gobolka Banaadir oo idil.

Waxaa halkaas ku fashilantay istaraatiijiyaddii iyo qorshayaashii maamulka, waxaa korodhay cabsida, illaa hadda maamulka gobolka Banaadir dhexdiisa iskuma kalsoona.

Dowladdu waxya weerarka ku weysay Gudoomiyihii gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo maalmo kadib u dhintay dhaawac halis ahaa oo soo gaaray, Agaasimihii Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdullaahi Cali Dheere, Agaasimahii Qorsheynta deegaanka Injineer Shuuriye, Agaasimahii Nadaafadda Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane, Guddoomiyahii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullaahi Asad, Gudoomiyahii degmada Shangaani, Sahra Markeesi, Guddoomiyahii Waabari, Mahad Cilmi, Lataliyahii dhanka sharciga ee Maayarka, Abukaate Xasan Maxamed Sabriye iyo xubno kale.

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2020, Madaxweynaha DF ayaa meel fagaare ah ka sheegay in weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo dib u dhac weyn ku keenay dowladda iyo wax yaabihii ay hiigsanaysay.

In Xarakada Al-Shabaab fuliso weerarka noocan ah ayaanan ahayn mid markii hore la baciidsanayay kol haddii ay horey hawl gallo uga fulisay Madaxtooyada, Maxkamadda Sare, Xalane, UNDP, Baarlamaanka iyo goobo kale, hase ahaatee waxaa DF qaadan waa ku noqday in mar qura lasoo afjaro maamul gobol oo dhan, waana midd keentay in muddo kadib la magacaabo Cumar Finish.

Farriintii uu weerarkaasi kadib diray Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cabdicaziiz Abuu Muscab ayaa ahayd in aysan jirin meel ay ku nabad galayaan madaxda DF iyo kuwa shisheeyaha, waxaana muddada labada sano ah ee laga joogo dhacdadaas la dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddi uu Farmaajo u xilsaaray iney baaritaan ku sameeyaan weerarkii "Fisha Gubeerna” ayaa illaa hadda ku maqan shaqadaas, waxaana ay sannad guuradiisii labaad ay kusoo aadaysaa iyadoo uu khilaaf iyo jah wareer ka dhex jiro dowladda, halka Xarakada Al-Shabaab ay sii xoogeysanayso marba marka ka dambeysa.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items