Ciidamo katirsan maamulka 'Galmudug' oo lagu dilay gobolka Mudug.

Saturday July 24, 2021 - 19:46:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan maamulka 'Galmudug' oo lagu dilay gobolka Mudug.

    Markale iska hor'imaadyo culus ayaa maanta ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale iska hor'imaadyo culus ayaa maanta ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Qeycad ayaa sheegaya in maanta barqadii ay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo udhaxeeya maleeshiyaad ashaamud ah iyo ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa afar jeer ay dagaallo dheceen, sida ay tibaaxayaan xogo laga helay jiidda hore ee dagaalka ugu yaraan 7 askari ayaa shalay iyo maanta maamulka 'Galmudug' looga dilay dagaallada iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dagaalyahannada Al Shabaab.


Dagaalladan ayaa galay isbuucii sedaxaad oo xiriir ah mana muuqdaan wax horumarra ah oo ay ciidamada huwanta ah gaareen marka laga reebo in ay qabsadeen deegaanka Bacaadweyne.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhanka cirka ka taageeraya maleeshiyaadka Galmudug iyo kuwa Bangaraafta loo yaqaan sidaas oo ay tahay guul lataaban karo ma xaqiiqsan, ciidamada wilaayada Islaamiga ayaa si adag udifaacday dhammaan aagaggii lagu dagaallamay.
 

Related Items