Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayay gobolka Cafarta Gaadiidna laga furtay.

Saturday July 24, 2021 - 16:26:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayay gobolka Cafarta Gaadiidna laga furtay.

    Wararka Itoobiya ka imaanaya sheegaya in maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega ay duullaanno ballaaran ku qaadeen gobollada amxaarada iyo Cafarta halkaas oo ay ku laayeen boqolaal askari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Itoobiya ka imaanaya sheegaya in maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega ay duullaanno ballaaran ku qaadeen gobollada amxaarada iyo Cafarta halkaas oo ay ku laayeen boqolaal askari.


Dagaal soo bilaawday isbuucii lasoo dhaafay ayaa kusii fidaya gobolka Cafarta halkaas oo la sheegay in lagu majaxaabiyay maamul daacad u ahaa taliska Abiy Axmed.

ilo wareedyo ayaa warbaahinta reergalbeedka u sheegay in maleeshiyaadka TPLF ay lawareegeen magaalo istiraatiiji ah iyo tobanaan tuulo iyagoona cagta soo maray dhul dherirkiisu yahay 82Km.

Wariyaal aya sheegay in dagaal shalay dhacay si xun loogu jebiyay ciidamada Federaaliga ah gaar ahaan guutada 25aad ee meleteriga xabashida.
maleeshiyaadka qowmiyadaa Tigreega oo xuduud beenaadka kasoo tallaabay ayaa halaag daran ka geysanaya gobolka Afarta waxaana halkaas ka socda loollan culus.


Todobaatameeyo katirsan maleeshiyada loo yaqaan Liyuu booliska Cafarta ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallada kadibna waxay ku qasbanaadeen in TPLF ay ubaneeyaan aagagga dagaalka.

Saxafiyiin si aad ah ula socda colaadda itoobiya balse ku sugan dalka Kenya ayaa soo wariyay in cidamada ismaamulka Cafarta ay dib uga gurteen dhowr deegaan kadibna ay dagaalka isugu madax banaanaadeen ciidamada xabashida iyo kuwa TPLF.

iska hor'imaadyo qaraar oo maalimtii jimcaha dhacay ayay maleeshiyaadka tigreega ku qabsadeen gaadiid gaashaaman iyo saanad hub ah, waxaa la sheegay in ciidamada itoobiya gaar ahaan guutada 25aad ay isaga baxeen magaalooyin katirsan cafar halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay.
sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaay xoogag TPLF oo gacanta ku dhiga gaadiid gaashaaman iyo saanad uu lahaa melleteriga Itoobiya.

kulan degdeg ah oo ka dhacay magaalada samara ee caasimadda u ah ismaamulka cafarta ayuu ku sheegay in uu nafiir caam ah geliyay bulshada qeybaheeda kala duwan.

madaxweynaha ismaamulka ayaa sheegay in durbadiiba ay dagaalka isku qoreen illaa 50 kun oo dhalinyaro ah, ciidamada Federaaliga Itoobiya ee sidan xun loogu jebiyay dagaalka ka socda ismaamulka Cafarta ayaan illaa iyo hadda wax gurmad ah ka helin dowladda dhexe arrinkaas oo fursad siiyay Maleeshiyaadka TPLF.








Related Items