Ciidamo ku sugan xeebaha Soomaaliya oo badankood laga helay cudurka Covid19.

Monday July 19, 2021 - 12:29:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ku sugan xeebaha Soomaaliya oo badankood laga helay cudurka Covid19.

    Boqolaal askari oo katirsan ciidamada dowladda Koonfurta Kuuriya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa laga helay caabuqa halista ah e Corona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal askari oo katirsan ciidamada dowladda Koonfurta Kuuriya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa laga helay caabuqa halista ah e Corona Virus.


War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Koonfurta Kuuriya ayaa lagu sheegay in qaar badan oo kamid ah ciidamadeeda ku sugan badda Soomaaliya uu soo ritay caabuqa Covid19.

sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa wadankaas ee lagu magacaabo onhap News Agency ugu yaraan 247 askari oo Kuuriyaan ah ayaa laga helay caabuqan halista ah iyagoo dul saaran markab ku sugan biyaha Soomaaliya.


Dhaqaatiirta melleteriga Kuuriya waxay xaqiijiyeen in inta badan ciidamadooda ku sugan xeebaha Soomaaliya laga helay Covid19 marka laga reebo 50 askari oo wali caafimaad qaba.

Diyaarad nuuceedu yahay KC-330 Cygnusloo ayaa durbadiiba lagu daad gureeyay askarta la xanuunsan Corona Virus, markabka dagaal ee dowladda South Korea uga qeyb qaadanaysay howlgalka ladagaallanka burcad badeeda ayaa lafilayaa in uu ka shiraacdao biyaha Soomaaliya.

Kumanaan askar reergalbeed ah oo ku sugan badda Soomaaliya ayaa ku howllan boobka kheyraadka ka dhax ceegaaga biyaha iyagoo boor isku qaris ka dhiganaya ladagaallanka 'Argagaxisada' iyo burcad badeedda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items