Dagaallo dib uga qarxay deegaan katirsan gobolka Mudug [Faah Faahin].

Monday July 19, 2021 - 14:58:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo dib uga qarxay deegaan katirsan gobolka Mudug [Faah Faahin].

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas maalintii 2aad oo xiriir ah ay ka socdaan dagaallo culus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas maalintii 2aad oo xiriir ah ay ka socdaan dagaallo culus.


Maanta barqadii ayay iska hor'imaadyo culus ka dhaceen deegaanka Qeycad oo dhaca duleedka Bacaadweyne, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 askari lagu dilay dagaalkii maanta oo 2 kamid ah ay yihiin saraakiil ciidan, war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in saraakiisha ladilay ay kamid yihiin Daahir Jareer iyo ina Lacagjecel.


Wararka ayaa intaas ku daraya in 19 askari ay dagaalka uga dhaawacmeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka 'Galmudug'.

Ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ayaa la sheegay in ay si adag isaga difaaceen laba weerar oo uga yimid ciidamada huwanta ah, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada DF-ka iyo maleeshiyaadka Galmudug ay xalay isaga baxeen Bacaadweyne balse ay saaka dib ugusoo laabteen.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka 'Galmudug' oo ku saabsan dagaalladii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Qeycad.

Dhanka deegaanka Xiin Labi oo shalay ay dagaallo culus ka dhaceen waxaa lasoo sheegayaa in saaka laga maqlay juga madaafiic balse lama oga waxa ay ahaayeen madaafiicda la maqlay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items