Video: Jabhadda Tigreega oo weerar cag marin ah ku qaadday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Sunday July 18, 2021 - 17:05:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Jabhadda Tigreega oo weerar cag marin ah ku qaadday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.

    Kadib dagaallo culus oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan ismaamullada Amhara iyo Tigray ayaa khasaara aad u xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan ismaamullada Amhara iyo Tigray ayaa khasaara aad u xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada xabashida Itoobiya.


Sida ay wararku sheegayaan dagaalyahanadda Jabhadda Xureynta qowmiyadda Tigreega ee loo yaqaan TPLF ayaa cagta mariyay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Muuqaal Video ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay maleeshiyaadka Tigreega oo gubaya tobanaan gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Xabashida.


Weerarka oo ahaa mid jidgal ah wuxuu ka dhacay waddo dhax marta dhul buuraleey ah halkaas oo lagu laayay ciidamada melleteriga Abiy Axmed.

Dhinaca kale maamulka Mustafa Cagjar ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa ku dhawaaqay in uu ciidamo ugu deeqday dowladda Itoobiya, ciidamadaas ayaa lagu xoojin doonaa melleteriga Itoobiya ee ka dagaallamaya gobolka Tigray.

Halkan ka daawo Vide-ga ciidamada Itoobiya ee la xasuuqay


Related Items