Sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Askari lagu dilay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sunday July 18, 2021 - 12:54:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Askari lagu dilay Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.


Xoogag hubaysan ayaa mas'uul katirsanaa dowladda hoose ku dilay waqooyiga magaalada caasimadda ah.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in rag hubaysan ay dileen nin lagu magacaabo Max'med C/raxmaan Yuusuf oo ahaa guddoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Huriwaa.

Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee galbeedka Muqdisho ayaa sababay dhimashada askari katirsan ciidamada dowladda.
Dhammaan mas'uuliyaddan dilalkan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items