Xoogag Jihaadi ah oo Shaqaale Shiinays ah ka qafaashay dalka Maali.

Sunday July 18, 2021 - 12:51:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo Shaqaale Shiinays ah ka qafaashay dalka Maali.

    Wararka ka imaanaya galbeedka qaaradda Afrika ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay qafaasheen shaqaale ajaanib ah xilli ay ku sugnaayeen dalka Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya galbeedka qaaradda Afrika ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay qafaasheen shaqaale ajaanib ah xilli ay ku sugnaayeen dalka Maali.


Sedax qof Shiinays ah iyo laba ruux oo udhashay dalka Muritaaniya ayaa shalay laga qafaashay deegaan dhaca Koonfur galbeed ee dalka Maali.

Sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo kasoo baxay melleteriga Maali shaqaalaha Shiinayska ah ee laqafaashay ayaa ka shaqeynayay mashruuc dhisma ah oo kuyaal deegaan 55Km ujira degmada Kuwaala.

Xoogagga weerarka afduunka ah geystay ayaa la sheegay in ay wateen mootooyin dhugdhugleey ah kadibna waxay ku baxsadeen gaadiid yaryar oo nuuc raaxada ah iyagoo horay usii kaxaystay lahaystayaashii ay qafaasheen.


Wararka ayaa intaas ku daraya in weeraryahannadu ay burburiyeen agabyo ay laheyd shirkadda shiinayska ah ee loo yaqaan Covec iyo shirkadda Muritaaniya ee ATTM sida lagu xaqiijiyay bayaanka kasoo baxay Melleteriga Maali.

Mas'uul diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa yiri "laheystayaasha laqafaashay waxay ka shaqeynayeen dhismaha waddo muhiim ah, waxa kaliya ee aan muhiimadda siinayno ayaa ah in shaqaalaha lasoo badbaadiyo".

inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda afduubkan hadane waxaa lagu eedaynayaa in ay ka dambeeyeen dagaalyahannada Jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan JNIM.

Related Items