Qaraxyo iyo iska hor'imaadyo ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Mudug.

Sunday July 18, 2021 - 11:10:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo iyo iska hor'imaadyo ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Mudug.

    Dagaallo culus oo ay qaraxyo barbar socdaan ayaa markale lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus oo ay qaraxyo barbar socdaan ayaa markale lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Xiinlibi ayaa sheegaya in halkaas qarax xooggan lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaariga islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 2 askari, qarax kale oo isna ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne waxaa ku dhintay laba askari.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan rasaas xooggan oo  labada dhinac is dhaafsanayaan, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in saaka laba jeer ay iska hor'imaadyo dhaceen.

Ciidamada dowladda oo isku dayaye in ay udhaqaaqaan dhanka deegaannada shareecada Islaamka lagu maamulo ayaa markii dambe lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Xiin Labi oo ay markii hore kasoo duullaan tageen.

 ciidamo huwan ah oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka ayaa shalay gudaha ugalay deegaanka Bacaadweyne.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items