Sacuudiga oo fasaxay in goobaha ganacsiga ay furnaadaan xilliyada salaadaha Faradka ah!

Saturday July 17, 2021 - 19:13:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo fasaxay in goobaha ganacsiga ay furnaadaan xilliyada salaadaha Faradka ah!

    Wararka ka imaanaya dhulka xarameynka ayaa sheegaya in dowladda Aala Sacuud ay ogolaatay in goobaha ganacsiga albaabada usii furnaadaan waqtiga salaadaha faradka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka xarameynka ayaa sheegaya in dowladda Aala Sacuud ay ogolaatay in goobaha ganacsiga albaabada usii furnaadaan waqtiga salaadaha faradka ah.


Waxa loogu yeero rugta ganacsiga Sacuudiga oo dowladda hoostagta ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya aan waqtiyada salaadaha la xiri doonin goobaha ganacsiga ayna sii furnaan doonaan, arrinkaan ayaa khilaafsan nidaamyadii  horay uga degsanaa magaalooyinka waaweyn oo markii salaadaha la aaadaamo masaajidda loo dareeri jiray islamarkaana goobaha ganacsiga albaabada loo laabi jiray.

Wargeyska Cukaad ee afka dowladda Aala sacuud ku hadla ayaa faafiyay bayaan kasoo baxay rugta ganacsiga Sacuudiga, arrintan ayaa qeyb ka ah isbedello diin ka bax ah eeuu lasoo shirtay Max'med bin salmaan oo ah dhaxalsugaha wadanka iyo wasiirka difaaca.


Bilo ka hor ayuu sacuudigu amray in masaajidda aan lagu aadaami karin cod baahiyaal islamarkaana aan salaadaha faradka ah qiraa'aatka qur'aanka lagu akhrin karin makarafoonnada.

Related Items