Midowga Afrika oo warbixin kasoo saaray mustaqbalka ciidamadooda Soomaaliya iyo DF oo dhaleecaysay.

Saturday July 17, 2021 - 19:17:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo warbixin kasoo saaray mustaqbalka ciidamadooda Soomaaliya iyo DF oo dhaleecaysay.

    Warbixin kasoo baxday guddiga qiimeynta Ururka Midowga Afrika ayaa lagusoo bandhigay habacsanaanta dhanka siyaasadda iyo amniga ah ee ay dhax muquunaranayso dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin kasoo baxday guddiga qiimeynta Ururka Midowga Afrika ayaa lagusoo bandhigay habacsanaanta dhanka siyaasadda iyo amniga ah ee ay dhax muquunaranayso dowladda Farmaajo.


Qoraalkan oo uu diyaariyay guddi gaar ah oo AU katirsan ayaa lagu sheegay in afartii sano ee uu xilka hayay Farmaajo ay DF-ka dhax muquuratay fatqalado amni iyo kuwa siyaasadeed.

arrinta xasaasiga ah ee warbixinta lagu sheegay ayaa ah in dowladaha ku midaysan howlgalka AMISOM ay gaareen go'aanno ku saabsan arrimaha Soomaaliya.


Khiyaarka koowaad ayaa ah in inta lagu guda jiro sanadda 2021 ladhiso howlgal ay ku midaysanyihiin Q.Midoobe iyo Midowga Afrika uuna noqdo mid isku dhaf ah, in dib udhis lagu sameeyo ergayda AU ee Soomaaliya iyo in ciidamada keydka dowladaha bariga Afrika Soomaaliya lakeeno iyagoo maalgelin ka helaya 'Beesha Caalamka'.

Labada khiyaar ee ugu dambeeya ayaa ah kuwa saameyn weyn ku yeelan kara maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya ka jira waana in dhammaan ciidamada AMISOM ay isaga baxaan Soomaaliya ayna mas'uuliyadda amni ay la wareegto dowladda Federaalka.

Warbixinta kasoo baxday Midowga Afrika ayaa ka caraysiisay xukuumadda Villa Somalia, afhayeenka R/wasaare Rooble ayaa sheegay in ay dhaleecaynayaan warbixinta kasoo baxday AU.

Isbuucii lasoo dhaafay kulan ka dhacay magaalada Nairobi ayay dowladaha Afrikaanta ah ee ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya waxay uga arrinsadeen mustaqbalka sii joogitaanka ciidamadooda dalka marka uu waqtigoodu dhammaado wixii ka dambeeya sanadda 2021.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items