Mustafa Cagjar oo sheegay in uu ciidamo Soomaali ah udirayo dagaalka gobolka Tigray.

Saturday July 17, 2021 - 11:47:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustafa Cagjar oo sheegay in uu ciidamo Soomaali ah udirayo dagaalka gobolka Tigray.

    Mustafa Cagjar oo ah hoggaamiyaha maamulka dowladda Itoobiya uqaabilsan dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga ku jira ayaa ku dhawaaqay in ay ciidamo udirayaan gobolka Tigray si ay dagaallada uga qeyb qaataan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mustafa Cagjar oo ah hoggaamiyaha maamulka dowladda Itoobiya uqaabilsan dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga ku jira ayaa ku dhawaaqay in ay ciidamo udirayaan gobolka Tigray si ay dagaallada uga qeyb qaataan.


Bayaan uu soo saaray Mustafa Cagjar ayuu ku xaqiijiyay in maamulka Jigjiga uu ajiibay baaqii kasoo yeeray Abiy Axmed oo dhigayay in ismaamul goboleedyadu ay ciidamo ku xoojiyaan dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Wuxuu weerar dhanka afka ah ku qaaday Jabhadda TPLF oo uu ku sifeeyay argagaxiso sharwadayaal ah "Sharwadayaasha jabhadda xureynta Tigreega waxay geysanayaan falal dambiyeedyo ay ku burburinayaan qaanuunka iyo nidaamka wadanka ka jira" ayuu yiri Mustafa.


Maamulka dabadhilifka ah ee ka jira dhulka Soomaaligalbeed oo utaak waayay weerarada laayaanka ah ee kaga imaanaya maleeshiyaadka Cafarta iyo Oromada ayaa doonaya in uu dhalinyarada deegaanka xaabo uga dhigo dagaallada udhaxeeya xabashida dhaxdeeda.

Melleteriga Federaaliga ah oo si xun loogu jebiyay dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa dadaal ugu jira sidii uu ugasoo kaban lahaa khasaaraha lagaarsiiyay islamarkaana uu dib ugu laaban lahaa gobolka Tigray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items