Faah Faahin: Weerar naf hurnimo oo lagu qaaday ciidamo dhaq dhaqaaq ka waday Koonfurta Mudug.

Friday July 16, 2021 - 10:38:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Weerar naf hurnimo oo lagu qaaday ciidamo dhaq dhaqaaq ka waday Koonfurta Mudug.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar culus oo maanta barqadii ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar culus oo maanta barqadii ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.


Sida ay wararku sheegayaan gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu beegsaday goob talis ciidan u aheyd maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Galmudug.

Dad ku sugan deegaanka Bacaadweyne ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad u xooggan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka naf hurnimo ee lagu beegsaday ciidamada huwanta ah uu dhaliyay khasaara nafeed iyo burbur gaadiid.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 7 askari ay ku dhimatay qaraxa lagu beegsaday taliska ciidamada huwanta ah halka afar gaari ay gubteen.

Gaadiidka gubtay ayaa kala ah gaari uu saaranyahay qoriga zuugga loo yaqaan, gaari xamuul ah oo saad siday, gaari booyad ah iyo gaari nuuca raaxada ah.

Dhinaca qarax lagu burburiyay gaari ay la socdeen saraakiil miina baarayaal ah ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ugu yaraan 2 sarkaal ay ku dhinteen qaraxa.

Qaraxyadan ayaa imaanaya xili ciidamo huwan ah ay dhaq dhaqaaqyo melleteri ka wadaan deegaanno dhaca Koonfurta iyo Bariga Mudug waxayna isku dayayaan in ay ka hortagaan gulufka ay ciidamada wilaayada Islaamiga wadeen isbuucyadii lasoo dhaafay.

Hoos Ka daawo sawirro lagasoo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay




Related Items