Dad Soomaali ah oo ku dhintay Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika.

Tuesday July 13, 2021 - 10:02:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Soomaali ah oo ku dhintay Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika.

    Waxaa sare ukacay khasaaraha ka dhashay rabshadaha ka bilaawday wadanka Koonfur Afrika halkaas oo looga dhawaaqay xaalad bandaw ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare ukacay khasaaraha ka dhashay rabshadaha ka bilaawday wadanka Koonfur Afrika halkaas oo looga dhawaaqay xaalad bandaw ah.


Saraakiisha Booliska South Afrika ayaa sheegay in rabshadihii shalay dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo ruux halka boqolaal kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daad gureeyay magaalada Johannesburg oo ah meesha ugu daran ee ay fatqaladuhu ka socdaan.

Kooxo burcad ah ayaa boob daran ugeystay dukaamada ganacsiga ay leeyihiin dadka ajaanibta ah, muuqaallo lagasoo duubay suuqa ganacsiga Johannesburg ayaa muujinayay burbur iyo bililiqo saameysay goobaha ganacsiga.


Dad ka caraysan xarigga Jokob Zuuma ayaa wali iskusoo baxyo ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika balse magaalada Johannesburg ayaa lakali noqotay boob iyo dilal baaxad leh oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

illaa 6 qof Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatqaladihii shalay dhacay sida ay sheegeen xubno katirsan jaaliyadda soomaalida Koonfur Afrika.

Waxaa lahelay qaar kamid ah magacyada Soomaalidii shalay ladilay waxaana kamid ahaa Mahad Ciise, Nuur Cali Sarjaan, Maxamuud Qoojo, iyo Goosaar Ganeey.

Ganacsatada soomaalida ee ku dhaqan Koonfur Afrika waa kuwa ugu daran ee ladhiban weerarada ay geystaan kooxaha gaangiistarrada Koonfur Afrikaanka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items