Melleteriga Koonfur Afrika oo ku dhawaaqay in uu joojinayo Rabshadaha wadanka ka socda.

Monday July 12, 2021 - 16:35:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Koonfur Afrika oo ku dhawaaqay in uu joojinayo Rabshadaha wadanka ka socda.

    Rabshadahan ayaa ku sii xoogeestay dalka Koonfur Afrika, kadib markii la xiray madaxweynihii hore ee wadankaasi Jacob Zuma, iyadoo dukaammo fara badan la bililiqaystay sidoo kalena ay xirmeen waddooyinka magaalada Johannesburg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabshadahan ayaa ku sii xoogeestay dalka Koonfur Afrika, kadib markii la xiray madaxweynihii hore ee wadankaasi Jacob Zuma, iyadoo dukaammo fara badan la bililiqaystay sidoo kalena ay xirmeen waddooyinka magaalada Johannesburg.


Gobolka kuwaazuulu nataal oo ah halka uu ku kasoo jeedo Zuma ayaa ah meesha ugu daran oo ay ka socdaan rabshadaha ugu badan ee looga soo horjeedo xabsiga madaxweenihii hore.

gobolkaan ayaaa sidoo kale ah halka jokob uu ku qadaaan doon xabsiga lagu xakumay ee 15-ka bilood ah oo uu ku muteestay amar diido oo ku sameeay maxkamada wadankaasi ugu sarraysa.

Booliska ayaa sheegay in qaar ka mid ah dambiilayaasha ay ka faa’iideysteen carada ay taageerayaasha Zuma ka qaadeen xabsiga lagu xukumay.


Maxkamadda ayaa ku xukuntay Zuma 15 bilood oo xarig ah kadib markii uu ka kabiya diiday in uu fuliyo amar ka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta usheegay in dad caraysan ay boobeen dukaamo ganacsi oo kuyaal magaalada Johannesburg, dadka ajaanibta soo galootiga ah ayaa ka cabanaya faquuq uga imaanaya dadka Koonfur Afrikaanka ah.

Related Items