Mas'uul katirsan maamulka degmada Afgooye oo weerar qorshaysan lagu dilay.

Saturday July 10, 2021 - 08:57:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsan maamulka degmada Afgooye oo weerar qorshaysan lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


xoogag hubaysan ayaa gudaha degmada Afgooye ku toogtay mid kamida mas'uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Cabdullaahi Max'med oo ahaa guddoomiye waaxeed ayay rag hubaysan toogasho ku dileen sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo deegaanka laga helay.

sidoo kale weerar culus aya lagu qaaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed xili ay ku sugnaayeen Afgooye.


Dilalka ka dhanka ah mas'uuliyiinta DF-ka ayaa isbuucii lasoo dhaafay si xowlli ah uga dhacayay degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaanada ku dhow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items