Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo isku dhiibay booliska si ay uxiraan.

Thursday July 08, 2021 - 08:41:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo isku dhiibay booliska si ay uxiraan.

    Booliska wadanka Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu iskusoo dhiibay Jacob Zuma oo ah madaxweynihii hore ee wadankaas balse loo heysto eedo musuq maasuq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska wadanka Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu iskusoo dhiibay Jacob Zuma oo ah madaxweynihii hore ee wadankaas balse loo heysto eedo musuq maasuq.


Gabar uu dhalay Zuma ayaa barteeda Twitterka ku qortay in aabaheed uu ogolaaday in uu booliska u raaco xabsigii lagu xiri lahaa waxaana sidaas kusoo dhammaaday murunkii ka taagnaa xariggiisa.

Go'aan bishii lasoo dhaafay kasoo baxay maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa dhigayay in Jacob Zuma laxiro mudo 15 bilood ah sababa laxiriira quursi uu ku sameeyay garsoorka wadankaasi.


Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa iska diiday in uu wax wadashaqeyn ah layeesho guddi loo xilsaaray dabagal ay ku sameeyaan wax isdabamarin dhacday 9kii sano ee uu Zuma xilka hayay.

Xarigga Jacob Zuma ayaa ruxay arrimaha siyaasadda Koonfur Afrika waxaana arrinkan si aad ah looga hadal hayaa magaalooyinka wadankan ay ajaanibta xoogsato ku badanyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items