Weeraro culus oo lagu miray saldhigyo ciidamada Itoobiya iyo AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Monday July 05, 2021 - 12:32:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro culus oo lagu miray saldhigyo ciidamada Itoobiya iyo AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya.

    Weeraro culus ayaa xalay markale lagu miray saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro culus ayaa xalay markale lagu miray saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Xoogag jihaadi ah ayaa weerar fool ka fool ah ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha Baardheere ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayeen, weeraro kale ayaa lagu miray saldhig ay ciidamada Xabashidu ka sameysteen degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhinaca kale dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhig ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin deegaanka Lambar60.


Dhanka gobolka Baay xalay fiidkii ayaa weerar culus lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed' ku leeyihiin degmada Diinsoor balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraran silsiladaha ahaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items