Xukuumad KMG ah oo looga dhawaaqay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Monday July 05, 2021 - 11:55:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumad KMG ah oo looga dhawaaqay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

    Mucaaradka ugu awoodda badan wadanka Itoobiya ayaa ku gacan sayray doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee dhowaan ay qaban qaabisay xukuumadda Abiy Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaradka ugu awoodda badan wadanka Itoobiya ayaa ku gacan sayray doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee dhowaan ay qaban qaabisay xukuumadda Abiy Axmed.


Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen kooxaha mucaaradka ayay ku sheegeen in doorashooyinkii baarlamaaniga ee dalka Itoobiya ka dhacay lagu shubtay islamarkaana aysan sharci aheyn.

jabhadaha OLF iyo OFC ayaa ku dhawaaqay in ay dhiseen xukuumad KMG ah taasi oo ka howlgeli doonto dhammaan deegaannada Oromadu degto ee gobolka Oromia.

Jabahada mucaaradka Oromada ayaa ugu baaqay shacabka in ay ku kacdoomaan maamulka Abiy Axmed ayna la shaqeeyaan xukuumadda cusub ee Oromia laga dhisay.

Tallaabadan ayaa sare usii qaadaysa kala qeybsanaanta dhanka maamulka ah ee ka jira guud ahaa dalka Itoobiya

Related Items