Taliye Itoobiyaan ah oo sheegay in ay heegan geliyeen ciidankooda si ay udifaacaan Biya xireenka Webiga Niil.

Sunday July 04, 2021 - 16:36:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Itoobiyaan ah oo sheegay in ay heegan geliyeen ciidankooda si ay udifaacaan Biya xireenka Webiga Niil.

    waxaa cirka iskusii shareeray ismariwaaga udhaxeeya dowladaha ku murusan qeybsiga biyaha wabiga niil ee qaaradda afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa cirka iskusii shareeray ismariwaaga udhaxeeya dowladaha ku murusan qeybsiga biyaha wabiga niil ee qaaradda afrika.



dowladda xabashida Itoobiya ayaa la sheegay in kumanaan katirsan ciidamadeeda meleteriga ah ay ku daad guraysay gobolka bani shanguul gumuz halkaas oo ah barta laga dhisayo biya xireenka murunka badan dhaliyay ee al nahda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidka gaashaaman iyo madaafiicda lidka diyaaradaha lagu xoojiyay ciidamo horay usii joogay sadka alnahda.

Jeneraal Asrat Deniro oo ah taliyaha meleteriga mandiqadda Matakal ayaa sheegay in ciidamadooda ay geliyeen heegankii ugu sarreeyay si loo dhameystiro marxaladda labaad ee biya buuxinta waaskooyinka biya xireenka.



isagoo kulan layeelanayay saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ee mandiqadda ku sugan ayuu sheegay in shacabka Itoobiya ay isha kuwada hayaan marxaladda uu galay dhismaha biya xireenka isagoo carabaabay in ciidamo dheeraad ah ay ku xoojiyeen mandiqadda si loo adkeeyo amniga shaqaalaha dhismaha.

mas'uulkan ayaan meesha ka saarin cabsida ay ka qabaan in weerar xagga cirka ah lagusoo qaado biya xireenka si loo baajiyo wax uu ugu yeeray himilada shacabka itoobiya oo uu ula jeedo dhaqaalaha ay kasoo saari doonaan biya xireenkan haddii ladhameystiro.

Wasiirka waraabka itoobiya ninka lagu magacaabo Seleshi Baqli ayaa markale ku celiyay in aan waxba laga bedeli doonin waqtiga biya buuxinta waaskooyinka.

Yaasir cabaas oo ah wasiirka waraabka iyo biyaha xukuumadda suudaan ayaa warbaahinta usheegay in sawirro uu qaaday dayac gacmeedka ay muujinayaan in itoobiya ay wali sii waddo biya buuxinta waaskooyinka sadka.

Related Items