diyaarad ay la socdeen 85 askari oo ku burburtay dalka Filibiin.

Sunday July 04, 2021 - 08:30:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    diyaarad ay la socdeen 85 askari oo ku burburtay dalka Filibiin.

    Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday in khasaara xooggan uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay mid kamida garoomada ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday in khasaara xooggan uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay mid kamida garoomada ugu waaweyn wadankaasi.


Diyaarad millatari oo nuuceedu yahay C-130 islamarkaana sidday in ka badan 80 askari ayaa ku burburtay Koonfurta Filibiin kadib markii ay ka baxday wadada ay diyaaraduhu ku ordaan markii ay caga dhiganayaan.

General Cirilito Sobijana oo ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Filibiin ayaa u sheegay waraahinta in ugu yaraan 40 askari laga soo badbaadiyay shilka diyaaradeed ee ka dhacay jasiiradda Jolo oo 1,000 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada caasimada ah ee Manila.


Wuxuu intaa ku daray in ciidanku ay ku dadaalayaan sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay gudaha diyarada una soo badbaadin lahaayeen rakaabka saran diyaaradda .

Sawiro lagu baahiyay telefishinka ABS News ayaa muujinayay qiiq iyo olol ka baxaya diyaaradda.

Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa ahaa ciidamo soo dhamaystay tababar milatari waxaana loo duuliyay jasiiradda jolo si ay halkaasi kaga howlgalaan.
Wasiirka difaaca Filibiin ayaa xaqiijiyay in lasoo aruuriyay meydadka illaa 17 askari kuwaasi oo ku dhintay shilka diyaaradeed

Related Items