Sawirro: Jabhadda TPLF oo Maqalla kusoo bandhigtay Kumanaan Maxaabiis askar Itoobiyaan ah.

Saturday July 03, 2021 - 12:00:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Jabhadda TPLF oo Maqalla kusoo bandhigtay Kumanaan Maxaabiis askar Itoobiyaan ah.

    Kooxaha fallaagada Tigreega ayaa soo bandhigay jab daran oo ay dhaxalsiiyeen ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya ee ku duulay gobolka Tigray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha fallaagada Tigreega ayaa soo bandhigay jab daran oo ay dhaxalsiiyeen ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya ee ku duulay gobolka Tigray.



Wargeyska New York Times ayaa baahiyay muuqaal Video ah oo muujiyay kumanaan katirsan ciidamada dowladda Itoobiya oo iyagoo maxaabiis ah gacanta ugu jiray jabhadda TPLF.

Ciidamada oo dulli ka muuqdo ayaa socod lagusoo marsiiyay waddooyinka Maqalla waxaana dareerinayay maleeshiyaad tigree ah oo da'yar ah isaga muuqaalka laga dheehan karay.

Saraakiisha Tigreega waxay sameeyeen bandhig weyn oo ay ku muujinayeen guuldarrada iyo jabka ay gaarsiiyeen nidaamka abiy axmed kaasi oo 8 bilood kadib looga adkaaday dagaalkii uu ku iclaamiyay tigreega.

Sawirro si aad ah layskula dhax qaaday baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo ay ka muuqato diifta dagaalka oo iyagoo gacma maran ay dareerinayaan dagaalyahannada qowmiyadda Tigreega.


inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada maxaabiista laga qabtay ciidamada melleteriga Itoobiya haddane saraakiisha TPLF ayaa lagasoo xigtay iyagoo sheegaya in ay gacanta ku hayaan 3000 oo askari.





Related Items