Ciidamada Mareykanka oo ka baxay saldhiggii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen Afghanistan.

Friday July 02, 2021 - 08:23:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mareykanka oo ka baxay saldhiggii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen Afghanistan.

    Melleteriga Mareykanka ayaa ka baxay saldhiggii ugu weynaa ee uu kulahaa dalk Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga Mareykanka ayaa ka baxay saldhiggii ugu weynaa ee uu kulahaa dalk Afghanistan.


Mas'uuliyiin American ah ayaa xaqiijiyay in saldhigganBagram ay ku wareejiyeen xukuumadda Fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul.

Bagram ayay ciidamada NATO qabsadeen 20 sano ka hor xilligaas oo ay duullaan gardarra ah ku qaadeen muslimiinta Afghanistan.

Wasaaradda difaaca xukumadda camiilka Afghanistan ayaa isna xaqiijiyay in shalay gelinkii dambe ay saldhigga Bagram kala wareegeen ciidamada Americanka ah.

Taliyaha dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa arbacadii lasoo dhaafay sheegay in 11 bisha September ee sanadkan ay soo gaba gabayn doonaan joogitaanka ciidankooda ee wadanka Afghanistan.


Dhinaca kale dagaalyahannada Taliban ayaa wali sii wada qabsashada magaalooyin hor leh, Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Taliban ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in ay qabsadeen degmo katirsan gobolka Balkh oo talaadadii lasoo dhaafay ay faarujiyeen ciidamada Jarmalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items