Calooshood ushaqeystayaal Ruush ah oo Muslimiin ku xasuuqay dalka Afrikada dhexe [Warbixin].

Tuesday June 29, 2021 - 19:42:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calooshood ushaqeystayaal Ruush ah oo Muslimiin ku xasuuqay dalka Afrikada dhexe [Warbixin].

    Wargeyska The New York Times ayaa sheegay inu helay warbixin ay soo saartay UN-ka oo xaqiijineysa ku lug lahaanshaha calooshood u shaqeystayaal Ruush ah dagaallada iyo gumaad ka dhan ah dadka muslimiinta ee ku nool ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The New York Times ayaa sheegay inu helay warbixin ay soo saartay UN-ka oo xaqiijineysa ku lug lahaanshaha calooshood u shaqeystayaal Ruush ah dagaallada iyo gumaad ka dhan ah dadka muslimiinta ee ku nool ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.


Sida lagu sheegay warbixinta UN-ka ee toddobaadkan soo baxday, calooshood u shaqeystayaasha Ruushka waxay laayeen dad ku cibaadaysanayay masaajid intii lagu guda jiray hawlgal militari oo ay ka fuliyeen dalkaas horaantii sanadkan.


Dhinaca kale wargeyska oo soo xiganaya ilo maxalli ah oo ku sugan gudaha Afrkida dhexe ayaa sheegay in murtazaqada Ruushka ay u adeegsadeen Masjidka Al-Taqwa goob toogasho halkaasi oo ay ku xasuuqeen da ku tukanayay masjidka iyo kuwo banaanka lagasoo qabtay.


Warbixinta Qaramada Midoobay waxay xustay in calooshood u shaqeystayaal Ruush ah la geeyay dalkaas iyagoo ku hoos jira la taliyayaal aan hubeysneyn.

Waxaynu warbixintu intaas ku dartay in tababarkii Ruushka ee Ciidamada Afrika dhaxe uu isku bedelay mid lagu sameeyo dhaqaale iyo heshiisyo ganacsi oo lala galay Kremlin-ka.

The New York Times ayaa qortay in Qaramada Midoobay ay ku qiyaaseyso tirada dadka Ruushka ee halkaas ku sugan inay gaarayaan 2,100 qof, halka Moscow ay sheegtay in tababarayaasheeda aysan ka badneyn 550 oo qof.

warbixinta ayaa intaa ku dartay in calooshood ushaqeystayaasha ruushka ee ku sugan Afrikada dhexe ay ku garab siiyeen maleeshiyaatka Nasarada ah ee kababar dagaalamaya xasuuq ay u geysteen dadka muslimiinta ah.

Ka sokow Bartamaha Afrika waxaa jira calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo jooga wadamada Liibiya, Suudaan iyo Suuriya.

Warbixinta oo si qarsoodi ah loogu gudbiyay Qaramada Midoobay bishii May ee la soo dhaafay ayaa shaaca ka qaaday in 1,000 xubnood oo ka tirsan Kooxda fagner ee Ruushka ay u joogaan Libya sidii ay u taageeri lahaayeen Jeneralka howlgabka ah ee Khalifa Haftar.

Dhaqdhaqaaqa kooxdani ayaa sidoo kale gaaray bishii Janaayo 2019, Koonfurta Ameerika si ay ugu caawiso Nicolas Maduro Madaxweynaha Venezuela ilaalinta kaydka saliidda wadanka .

Related Items