Weerar Sedax Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Mandheera.

Monday June 21, 2021 - 19:42:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 16
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Sedax Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Mandheera.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.


Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday gaari maandooriyaha khaadka siday xilli uu marayay deegaanka Jabi ee hoostaga degmada Raamo gobolka Mandheera.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab weerarka waxaa lagu dilay 3 qof Kenyaan Kirishtaan ah halka qof kale uu si dirqi ah ku baxsaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hal qof Muslim ah lasoo badbaadiyay kadibna uu si nabad gelya ah ku aaday gurigiisa, XSHM waxay waxay xaqiijisay in lagubay gaarigii Khaadka siday ee ay lahaayeen dadka Kenyaanka ah.


Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa xaqiijisay weerarka ka dhacay gobolka loo bixiyay waqooyi Bari Kenya ee NFD.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items