Al Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta deegaan ku dhow Baraawe.

Monday June 21, 2021 - 13:39:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta deegaan ku dhow Baraawe.

    Maanta barqadii ayay ciidamada shisheeyaha AMISOM isaga baxeen deegaan ku dhow magaalada Xeebta leh ee Baraawe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta barqadii ayay ciidamada shisheeyaha AMISOM isaga baxeen deegaan ku dhow magaalada Xeebta leh ee Baraawe.


Wararka ka imaanaya Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ay isaga firxaddeen deegaanka Marin Gubaay oo qiyaasti 40KM ujira magaalada Baraawe.

Goob joogayaal ahaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Al Shabaab ay si nabad gelya ah kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka daqiiqado kadib markii ay ka baxeen ciidamada AMISOM.


Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dhaq dhaqaaqa dib ugurashada ciidamada AMISOM laga dareemayay deegaanka Marin Gubaay oo muhiim u ahaa isku gudbinta sahayda ciidamada Uganda ee ku sugan Buulo Mareer iyo Baraawe.

Sanadihii lasoo dhaafay ayay dagaalyahannada Al Shabaab weeraro isugu jiray jidgal iyo qaraxyo ku hayeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Marin Gubaay iyo Buula Mareer arrinkaas oo keenay in ay isaga baxaan deegaankan istiraatiijiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items