Dowladda Farmaajo oo Itoobiya usaxiixday heshiis Soomaaliya lagusoo gelinayo Maandooriyaha Khaadka.

Monday June 21, 2021 - 09:40:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Farmaajo oo Itoobiya usaxiixday heshiis Soomaaliya lagusoo gelinayo Maandooriyaha Khaadka.

    Markale dowladda Farmaajo ayaa saxiixday heshiis lacago malaayiin dollar ah gelinaya qasnadda dowladda Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale dowladda Farmaajo ayaa saxiixday heshiis lacago malaayiin dollar ah gelinaya qasnadda dowladda Xabashida Itoobiya.


Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho ayay mas'uuliyiin ka socday dowladda Itoobiya iyo dowladda DFS waxay ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay maandooriyaha khaadka soo geliso Soomaaliya taas bedelkeedna dalkeeda loo dhoofiyo kumanaan tan kalluun ah.

Cabdullahi Bidhaan Warsame oo ah wasiirka Kalluumaysiha DF-ka ayaa madashii heshiiska lagu saxiixayay ka sheegay in diyaaradaha Itoobiya ay maalin walba Maandooriyaha Khaatka keeni doonaan Muqdisho iyo gobollada dalka.


Wuxuu xusay in ganacsatada Soomaalida ay fursad uhelayaan in kumanaan tan oo Kalluun ah ay si joogta ah ugu dhoofiyaan Itoobiya.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaflad ka dhacday Villa Somalia kusoo dhoweeyay heshiiskan oo uu ku sifeeyay mid guul ah shacabka Soomaaliyeed!.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa khiyaano ku sifeeyay heshiisyada isdaba joogga ah ee DF-ka Farmaajo lagelayso Itoobiya kuwaas oo ay ugu gacan gelinayso kheyraadka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items