Doorashooyin Murun badan dhaliyay oo ka bilaawday dalka Itoobiya.

Monday June 21, 2021 - 08:51:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Doorashooyin Murun badan dhaliyay oo ka bilaawday dalka Itoobiya.

    Inta badan gobollada wadanka Itoobiya waxaa ka bilaawday doorashooyinka baarlamaaniga ah ee ay horay uballan qaaday xukuumadda Abiy Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan gobollada wadanka Itoobiya waxaa ka bilaawday doorashooyinka baarlamaaniga ah ee ay horay uballan qaaday xukuumadda Abiy Axmed.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in codbixintii ugu horraysay ay ka bilaabatay degmooyinka magaalada Addis Ababa ee caasimadda ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in dad gaaraya 40 malyan oo Itoobiyaan ah ay codadkooda dhiiban doonaan ayna soo dooran doonaan xildhibaannada baarlamaanka Federaaliga ah.

Waxaa laga cabsi qabaa in rabshado dhiig badan ku daato ay hareeyaan doorashooyinkan ay qaban qaabisay xukuumadda Abiy Axmed.


Kormeerayaal ka socda Ururka Midowga Yurub ayaa gaaray Itoobiya balse kormeerayaal ka imaan lahaa Ururka Midowga Yurub ayaa diiday in ay xaadiraan doorashooyinka sababa laxiriira xasuuqa ay ciidanka dowladdu ka geysanayaan gobolka Tigray.

Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in illaa 47 xisbi siyaasadeed ay ka qeyb qaadanayaan doorashooyinkan murunka badan dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items