Qarax uu ku gubtay gaari ciidan oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/dhexe.

Sunday June 20, 2021 - 10:58:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax uu ku gubtay gaari ciidan oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagu beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagu beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo katirsan DF-ka.


Maanta barqadii ayaa qarax xooggan laga maqlay deegaanka Sabuun oo dhanka Bari uga beegan magaalada Jowhar, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.

Gabi ahaanba waxaa burburay gaariga uu qaraxu beegsaday waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay.


Gaariga qaraxa lagu beegsaday ayaa ka yimid dhanka xarunta Sh/dhexe wuxuuna kusii jeeday deegaanka Biya Cadde ee dhaca duleedka Mahadaay.

Dhinaca kale askari katirsan ciidamada Booliska DF-ka ayaa ku dhintay weerar ay dagaalyahannada Al Shabaab xalay ka fuliyeen agaagarka masjidka Nasrudiin ee degmada Howlwadaag magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items