Gummaadka ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida Koonfur Afrika oo sare ukacay.

Saturday June 19, 2021 - 17:04:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gummaadka ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida Koonfur Afrika oo sare ukacay.

    Dilalka ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa sare usii kacay xilli ay cadaadiskii ugu darnaa abid wajahayaan Soomaaliya ku ganacsada Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilalka ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa sare usii kacay xilli ay cadaadiskii ugu darnaa abid wajahayaan Soomaaliya ku ganacsada Afrika.


Wararka ka imaanaya gobolka Limpopo ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay xalay halkaas ku dileen nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Max'med Cali Kaariye.

Guddiga jaaliyadda Soomaalida South Afrika ayaa sheegay in dablay hubaysan ay dileen ganacsadaha kadibna ay dhaceen hanti tiillay dukaankiisa.


Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa goor dambe gaaray goobta uu falkani ka dhacay, isbuuc walba ayaa ganacsato Soomaaliyeed lagu dilay dalkan dhaca Koonfurta qaaradda Afrika.

Bishii May ee lasoo dhaafay ayay dhaceen dilalkii ugu badnaa ee ka dhan ah ganacsatada Soomaalida, maalin qura ayaa ladilay illaa 8 ruux.
Falalkan xasuuqa ah waxaa geysanaya kooxo qaab shufta ah u abaabulan kuwaas oo uu ku fogaada naceybka ay uqabaan dadka ajaanibta ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items