Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu qafaashay magaalada Nairobi.

Saturday June 19, 2021 - 09:50:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu qafaashay magaalada Nairobi.

    Wadanka Kenya waxaa wali kasii socda falalka afduubka ah ee ka dhanka ah ganacsatada soomaaliyeed ee caanka ka ah magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Kenya waxaa wali kasii socda falalka afduubka ah ee ka dhanka ah ganacsatada soomaaliyeed ee caanka ka ah magaalada Nairobi.


Guddi ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida magaalada Nairobi ayaa sheegay in wali lala'yahay laba gabdhood oo laga qafaashay xaafadda Islii.

Xafso Cabdi oo aheyd gabar ganacsata ah ayaa si lama filaan ah loo waayay saacado kadibna waxaa la ogaaday in si dhagar ah loo qafaashay.

Saraakiisha booliska magaalada Nairobi waxay sheegeen in laqafaashay Xafso Cabdi iyo gabar ay saaxiibo ahaayeen oo lagu magacaabo Xafso Luqmaan.


Gabadha lagu magacaabo Xafsa Cabdi ayaa ka ganacsan jirtay khudaarta waxayna beer weyn ku laheyd gobolka Tana River iyadoona khudaarta ay soo saarto u iibgeyn jirtay magaalada Nairobi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in aan wali wax war iyo wacaal ah laga heyn halka lagu hayo labadaan gabdhood, Soomaalida ku sugan wadanka Kenya ayaa ka walaacsan falalkan afduubka ah ee soo cusboonaaday.

Bishii lasoo dhaafay ayaa bartamaha Nairobi laga qafaashay nin maalqabeen Soomaali ah oo mas'uul ka ahaa inta badan shirkadaha dhismaha ee Kenya kadibna Meydkiisa ayaa laga helay meel ka baxsan magaalada caasimadda ah.

Dadka qaar ayaa arrintaan ku sifaynaya bilaawga howlgallo abaabulan oo ladoonayo in lagu wiiqo ganacsiga soomaalida Kenya oo sanadadii lasoo dhaafay sii bulaalayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items