Weerar Naf hurnimo oo lagu beegsaday saldhigga ciidanka Meleteri ee Biya Cadde.

Friday June 18, 2021 - 09:20:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 12 0
  • Share via Social Media

    Weerar Naf hurnimo oo lagu beegsaday saldhigga ciidanka Meleteri ee Biya Cadde.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya ayaa weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo katirsan ciidanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore weerar ka dhacay Soomaaliya
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya ayaa weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo katirsan ciidanka dowladda Federaalka.


Jugta qarax xooggan ayaa saaka aroortii hore laga maqlay deegaanka Biya Cadde oo qiyaastii 40Km dhanka bari uga beegan degmada Mahadaay.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare.

"Camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari ayaa saaka ka dhacday xarunta taliska ciidanka Murtadiinta ee deegaanka Biya Cadde Sh/dhexe,weerarka waxaa ku dhaawacay Korneel Saneey Cabdulle taliyaha guutada 4aad waxaana ku dhintay 10 maleeshiyaad ah" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab.


 Deegaanka Biya Cadde ee uu weerarku ka dhacay waxaa saldhig weyn ku leh ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi waxaana deegaanka saldhig ka dhigtay askar iyo saraakiil bishii lasoo dhaafay kusoo jabay dagaalladii ka dhacay deegaannada Warciise iyo Qoordheere.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka DF-ka oo ku saaban weerarka saraakiisha lagula beegsaday gobolka Sh/dhexe.


la socda wixii soo kordha insha'Allaah

Related Items