Sawirro: Dagaalyahannada Taliban oo dagaal ku qabsaday 120 gaari iyo saanado hub ah!

Thursday June 17, 2021 - 17:32:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dagaalyahannada Taliban oo dagaal ku qabsaday 120 gaari iyo saanado hub ah!

    Guushii ugu weyneed ayay dagaalyahannada Jihaadiga Taliban soo hooyeen tan iyo markii uu Mareykanku bilaabay in ciidamadiisa uu kala baxo Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guushii ugu weyneed ayay dagaalyahannada Jihaadiga Taliban soo hooyeen tan iyo markii uu Mareykanku bilaabay in ciidamadiisa uu kala baxo Afghanistan.


Wararka ka imaanaya bartamaha Afghanistan ayaa sheegaya in dagaalyahannada Taliban ay furteen saldhig melleteri oo kuyaal wilaayada Sarbil waxayna gacanta ku dhigeen saanado melleteri oo aad u farabadan iyo gaadiid.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay jihaadiyiinta oo gacanta ku dhigaya illaa 120 gaari iyo keydad hub ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in 'Mujaahidiintu' ay saldhigga Sharket Meydanak ka daabusheen 50 gaari oo nuucoodu yahay Ranjer, 50 gaari oo nuucoodu yahay MB iyo 20 gaari oo gaashaaman.


Sidoo kale Taliban ayaa gacanta ku dhintay 300 oo ah qoryaha Mareykanku farsameeyo ee loo yaqaan M16, weerar kale oo ka dhacay waqooyiga Afghanistan ayaa sababay dhimashada 25 askari sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.






Related Items