Kolonyo ay la socdeen ciidamada isbahaysiga caalamiga ah oo Ciraaq lagu weeraray.

Thursday June 17, 2021 - 14:05:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kolonyo ay la socdeen ciidamada isbahaysiga caalamiga ah oo Ciraaq lagu weeraray.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar lagu qaaday kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha reergalbeedka ah ee wadankaas duullaanka ku jooga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar lagu qaaday kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha reergalbeedka ah ee wadankaas duullaanka ku jooga.


Miino gacan ku sameys ah oo dhulka lagu aasay ayaa haleeshay kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay gobolka Al-anbaar ee dhaca galbeedka ciraaq.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu beegsaday gaari shaaximan oo sahay usiday ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ee Ciraaq ku duulay.

Sarkaal hal xidigle ah oo katirsan ciidamada xukuumadda Baqdaad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa lala helay kolonyada ciidamada isbahaysiga xilli ay maraysay gobolka Al anbaar balse wuxuu sheegay in uusan jirin wax khasaara ah oo ka dhashay qaraxa.


Dhinaca kale xukuumadda Shiicadu ku badantahay ee ka jirta magaalada Baqdaad ayaa sheegtay in ay dhulka soo dhigtay laba diyaaradood oo drone ah xilli ay dul heehaabayeen hawada magaalada caasimadda ah.

khaliyadda amniga Ciraaq ayaa sheegtay in diyaaradahan oo lagusoo xiray walxaha qarxa mid kamida lagusoo riday meel ku dhow Mucaskarka Al Rashiid ee baqdaad halka midda kale lagusoo riday mandiqadda Al kardaan ee dhanka Koonfureed uga beegan Baqdaad.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin garabyada Iiraan ee Ciraaq oo ku saabsan diyaaradahan lasoo riday, bilihii lasoo dhaafay ayay wakiillada iiraan weeraro loo adeegsaday sawaariilkh ku weerarayeen saldhigyada ciidanka Mareykanka ee Ciraaq.

Related Items