Dowladda Jarmalka oo fadeexad aawgeed ciidamadeeda ugala baxaysa dalka Litwaaniya.

Thursday June 17, 2021 - 13:45:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Jarmalka oo fadeexad aawgeed ciidamadeeda ugala baxaysa dalka Litwaaniya.

    Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in sodomeeyo kamid ah ciidamadeeda ku sugan dalka Lithuania ay lasoo baxayso kadib markii ay fadeexadi ku habsatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in sodomeeyo kamid ah ciidamadeeda ku sugan dalka Lithuania ay lasoo baxayso kadib markii ay fadeexadi ku habsatay.


Wasaaradda difaaca xukuumadda Baarliin ayaa sheegtay in fasiilo katirsan ciidankeeda lagu helay fal anshax xumo ah arrinkaas oo sababay in si degdeg ah Liwaaniya looga saaro.

Kaamirooyinka Muraaqabada ayaa soo muujiyay ciidamada oo ku heesaya erayo cunsuriyadeed islamarkaana ku ballamaya in ay kufsadaan askari saaxibkood ah xilli uu hurdayay.


haweenayda wasiirradda difaaca ka ah Jarmalka ayaa falkan ku tilmaamtay mid axmaqnimo ah islamarkaana dacwad lagu furi doono 30 askari oo Jarmal ah.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ayay ku tiri "akhlaaq xumada ay lasoo ban baxeen qaar kamid ah ciimadeena ku sugan dalka Litwaaniya waa dharbaaxo wajiga looga dhuftay mid walba oo maalin uu u adeegay amniga wadankeena".

Fadeexaddan ruxday sufuufta ciidanka Jarmalka ayaa si aad ah layskula dhax qaaday baraha ay bulshadu kuwada xiriirto arrinkaas oo xukuumadda Baarliin ku qasbay in ay tallaab qaaddo.

Related Items