NATO oo go'aamiyay in ciidamadiisu ay sii joogaan Afghanistan iyo Taliban oo ka digtay.

Tuesday June 15, 2021 - 16:11:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NATO oo go'aamiyay in ciidamadiisu ay sii joogaan Afghanistan iyo Taliban oo ka digtay.

    Ururka NATO ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadiisa ay kusii sugnaan doonaan madaarka caalamiga ah ee magaalada Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka NATO ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadiisa ay kusii sugnaan doonaan madaarka caalamiga ah ee magaalada Kaabuul.


Erdogaan oo ah madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada Afghanistan haddii ay ciidamadiisa kala qeyb qaataan howlgalka dowladaha Pakistan iyo Hangari islamarkaana dhanka saadka iyo maaliyadda ay ka taageerto dowladda Mareykanka.

Tallaabadan waxaa si kulul udhaleecaysay Imaarada islaamiga ah oo ka digtay in ciidamo ajnabi ah baaqi kusii ahaadaan dalka Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in qaraarka kasoo baxay NATO uu yahay mid halis ah iyadoo uga digtay Turkiga in ciidamadiisu ay baaqi kusii ahaadaan wadanka iyagoo metelaya saliibiyadda caalamiga ah.


"Qaraarka NATO uu qaadatay ee dhigaya in ciidamadiisu ay baaqi kusii aahaadaan Afghanistan wuxuu jebinayaa heshiiskii Dooxa" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliban.

Shirkii ay isugu yimideen madaxda dowladaha ku bahoobay NATO ayaa lagu go'aamiyay in ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Kaabuul ay gacanta kusii hayaan ciidamada Turkiga marka uu mareykanku afghanistan isaga baxay bisha september ee soo socota.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items