Mareykanka oo sheegay in uusan duqeymo ku taageeri doonin ciidanka xukuumadda Afghanistan.

Tuesday June 15, 2021 - 08:03:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in uusan duqeymo ku taageeri doonin ciidanka xukuumadda Afghanistan.

    Taliyaha ciidanka dhexe ee dowladda Mareykanka ayaa ka shanqariyay kaalinta ay ku lahaan doonaan dagaalka Afghanistan kadib marka uu dhammeystirmo howlgalka bixitaanka ciidanka American-ka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka dhexe ee dowladda Mareykanka ayaa ka shanqariyay kaalinta ay ku lahaan doonaan dagaalka Afghanistan kadib marka uu dhammeystirmo howlgalka bixitaanka ciidanka American-ka ah.


Jeneraal Kenneth Franklin McKenzie ayaa warbaahinta u sheegay in aysan duqeymo xagga cirka ah ku taageeri doonin ciidanka xukuumadda dabadhilifka Afghanistan.

"sababta kaliya ee aan duqeyn uga geysan doono dalka Afghanistan kadib markii ay ciidamadeenu si dhammeystiran ubaxaan waa marka aan ogaano iyo kooxo shakhsiyaad ah ay halkaas kasoo qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo mid kamida dowladaha xulufada nala ah" ayuu yiri Kenneth Franklin McKenzie.


Dhawaqa kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaan farxad gelin doonin xukuumadda Kaabuul oo naawilaysay in diyaaradaha Mareykanka ay ka caabiyaan guluf dagaaleedka uga imaanaya Imaarada Islaamiga ah.

Heshiiskii Dooxa ee lasaxiixay sanaddii 2020 ayaa dhigayay in ciidanka Mareykanka ay isaga baxaan Afghanistan taas bedelkeedna ay Taliban joojin doono weerarada ka dhanka ah ciidamada American-ka ah.

Dhinaca kale xoogagga jihaadiga Taliban ayaa wali kusii luga fidsanaya inta badan gobollada wadanka Afghanistan, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Imaarada islaamiga ah ay qabsadeen degmooyin katirsan gobolllada Zaabul iyo Serbal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items