Maxkamad kutaal dalka Masar oo xukunno daldalaad ah ku ridday 12 hoggaamiye.

Tuesday June 15, 2021 - 07:49:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad kutaal dalka Masar oo xukunno daldalaad ah ku ridday 12 hoggaamiye.

    Taliska melleteriga Masar ayaa markale xukunno daldalaad ah ku riday mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaas laga mamnuucay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska melleteriga Masar ayaa markale xukunno daldalaad ah ku riday mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaas laga mamnuucay.


Maxkamad kutaal magaalada Al Qaahira ayaa taageertay in ladilo illaa 12 hoggaamiye oo Ikhwaanka katirsan kuwaas oo ku eedaysan in ay mas'uul ka ahaayeen abaabulidda dibad baxyadii Raabacatal Cadawiyah ee dhacay sanaddii 2013.

" Maxkamadda racfaanka ee Masar waxay taageertay xukunno dil ah oo lagu riday 12 qof oo ay ku jiraan hoggaamiyayaashii Ikhwaanul Muslimiinka Masar ee lamamnuucay iyada oo qayb ka ah dacwadda fadhiga Rabaa ee 2013" waxaa sidaas yiri sarkaal katirsan garsoorka Masar.


Mas'uuliyiinta xukunka daldalaadda ah lagu xukumay waxaa kamid ah Max'med Albaltaaji iyo Cassaam Al Caryaan oo si aad ah ugu dhowaa Max'med Mursi madaxweynihii hore ee Masar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items