Ciidamo Kenyaati iyo Yugaandheys ah oo lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya.

Monday June 14, 2021 - 10:01:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaati iyo Yugaandheys ah oo lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya.

    Xoogag jihaadi ah ayaa markale weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeye uga suganyihiin deegaanno dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag jihaadi ah ayaa markale weeraro ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeye uga suganyihiin deegaanno dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ay xalay fiidkii weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Hoosingoow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaafiic lagu garaacay saldhigga ciidanka Kenya kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac dhaxmaray, sidoo kale jihaadiyiinta ayaa weerar culus xalay saqdii dhexe ku miray saldhig ay melleteriga Kenya uga suganyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin tuulada Maryan Gubaay balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items