Yahuudda oo yeelatay R/wasaare Xagjir ah kadib Rididdii Netenyaahu.

Monday June 14, 2021 - 09:06:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yahuudda oo yeelatay R/wasaare Xagjir ah kadib Rididdii Netenyaahu.

    Baarlamaanka Yahuudda ayaa riday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Ben Yemiin Netanyaahu isagooa ansixiyay xukuumad iyo R/wasaare cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Yahuudda ayaa riday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Ben Yemiin Netanyaahu isagooa ansixiyay xukuumad iyo R/wasaare cusub.


Naftali Bennett ayaa loo dhaariyay R/wasaaraha cusub ee xukuumadda Yahuudda wuxuuna durbadiiba soo dhisay xukuumad cusub.

Netenyaahu ayaa shaqada ka tagay kadib 12 sanadood xiriir ah oo uu hoggaaminayay kayaanka sahyuuniga ah ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta Falasdiin.

Khudbad uu shalay ka hor jeediyay golaha baarlamaanka daqiiqado ka hor intii aan xukuumaddiisa laridin ayuu ka digay dowlad Falasdiiniyiintu ay leeyihiin oo aas aasanto wuxuuna arrinkaas ku tilmaamay mid halis gelinaysa jiritaanka Yahuudda ee mandiqadda.


Naftali Bennett ayaa ah ganacsade xagjir ah oo katirsan xisbiga midigta fog ee ku xeeldheer jaceylka Yahudnimada iyo naceybta muslimiinta.

Ninkan ayaa madax u ahaa shirkad weyn oo ka shaqeysa arrimaha Tignoolajiyadda balse sanaddii 2013 ayuu kusoo biiray siyaasadda isagoo lamidoobay xisbiyo xagjir Yahuudda ugu dambayntiina waxay ku guulaysteen in ay ridaan nidaamkii Netenyaahu.

Inta badan dowladaha reergalbeedka ayaa hambalyo udiray hoggaanka cusub ee maamulka Yahuudda, Joe Biden madaxweynaha Mareykanka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in Washington ay garab taagantahay shacabka Yahuudda iyo R/wasaarahooda Naftali Bennett.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items