Ciidamada Itoobiya oo qarax lagula beegsaday duleedka Beled Weyne.

Sunday June 13, 2021 - 16:59:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo qarax lagula beegsaday duleedka Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax culus lagu beegsaday ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax culus lagu beegsaday ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah.


Sida ay sheegeen dadka deegaanka jugta qarax xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay halka loo yaqaan buurta Qowlo oo ku dhow xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxu uu beegsaday gaari Uuraal ah oo ay saarnaayeen ciidamo melleteri Itoobiyaan ah balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markii uu qaraxu dhacay kadib ay ciidamada Itoobiya howlgal raaf ah ka sameeyeen dhulka buuralayda ah ee ku hareeraysan Beledweyne.


Gaariga Uuraalka ah ee lagu qaraxiyay Hiiraan ayaa kusii jeeday saldhigga Xabashidu ay ku leeyihiin halka loo yaqaan Jante Kuundishe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items