Sarkaal katirsanaa ciidanka maamulka 'Koonfur galbeed" oo isku dhiibay Al Shabaab.

Saturday June 12, 2021 - 18:12:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa ciidanka maamulka 'Koonfur galbeed" oo isku dhiibay Al Shabaab.

    Wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa soo bandhigtay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka maamulka Koonfur galbeed kaasi oo isagoo baxsad ah lasoo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka sarkaalka isdhiibay oo lagu baahiyay baraha bulshada
Wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa soo bandhigtay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka maamulka Koonfur galbeed kaasi oo isagoo baxsad ah lasoo dhaweeyay.


Deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool waxaa lagusoo bandhigay sarkaal xil sare ka hayay ciidamada maamulka Cabdi Caziiz Laftagareen.

Mustaf Xasan Axmed Aadan oo kasoo goostay degmada Xudur kunasoo tababartay Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in si heer sare ah loogusoo dhoweeyay dhulka shareecada Islaamka lagu maamulo.

Sarkaalkan oo markii dambe loo gudbiyay degmada Buula Fuulay ayaa ka sheekeeyay dhibaatada iyo gummeysiga ay ciidamada Xabashida Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.


Col. Mustaf Xasan ayaa ballan qaaday in uusan mar dambe wax wada shaqeyn ah layeelan doonin Xabashida Itoobiya iyo xulufadeeda islamarkaana uu dhinac ka raaci doono shacabka Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items