Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay fashilisay shirqool ay soo maleegeen dowlado shisheeye.

Saturday June 12, 2021 - 18:10:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay fashilisay shirqool ay soo maleegeen dowlado shisheeye.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhinacyo shisheeye ay isku dayeen in ay hub geliyaan gudaha wadankaasi si ay ufulinayaan shirqool weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhinacyo shisheeye ay isku dayeen in ay hub geliyaan gudaha wadankaasi si ay ufulinayaan shirqool weyn.


Muuqaal Video ah oo uu soo duubay Demeke Mekonnen oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo R/wasaare ku xigeenka Itoobiya ayuu ku sheegay in dowlado shisheeye ay soo abaabuleen shirqool heerkiisu sarreeyay ayna doonayeen in ay wiiqaan ammaanka iyo xasiloonida dalka sida uu hadalka udhigay.

Kalimadda uu jeedinayo R/wasaare ku xigeenka Itoobiya oo lagasii daayay Telefeshinka wadankaas ayuu ku sheegay in shirqoollada shisheeye gabaad looga dhiganayo macluul bani'aadanimo oo wadanka ka jirta.


Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyay wax uu ugu yeeray dowlado saaxiibo ah in ay Faylaha ka jarayaan Itoobiya wuxuuna uga digay 'Beesha caalamka' in ay wiiqdo xasiloonida iyo midnimada Itoobiya iyadoo kaga faa'iidaysanaya colaadda kajirta gobolka Tigray.

Warkan kasoo yeeray Addis Ababa ayaa imaanaya saacado kadib markii ay Q.Midoobay ka digtay in malaayiin ruux Itoobiyaan ah ay macluul udhintaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items