Dagaalyahannada Taliban oo qabsaday magaalooyin katirsan dalka Afghanistan.

Saturday June 12, 2021 - 12:24:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalyahannada Taliban oo qabsaday magaalooyin katirsan dalka Afghanistan.

    Si aan horay loo arag ayay dagaalyahannada Talibaan isugu fidinayaan wadanka Afghanistan oo maraya marxalad kala guur ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si aan horay loo arag ayay dagaalyahannada Talibaan isugu fidinayaan wadanka Afghanistan oo maraya marxalad kala guur ah.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga ah ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen gacanta dhowr degmo oo dhaca Koonfurta,waqooyiga iyo bartamaha wadankaasi.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka Imaarada ayaa sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen mandiqada Karkiin Khowlah ee gobolka Baktiya.

Weerar kale oo ka dhacay gobolka Balkh ayaa sababay in 'Mujaahidiintu' ay qabsadeen degmada Zaarac halkaas si xun loogu jebiyay ciidamadii xukuumadda.


Wariyaal ayaa soo sheegay in dagaalyahannada Taliban ay kaabiga ku hayaan magaalooyin waaweyn oo ay ku suganyihiin ciidamada xukuumadda.

isfidintan ay sameynayaan ciidamada Imaarada Islaamiga ah ayaa imaanaya xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa shisheeye ay bilaabeen in ay dalka isaga baxaan kadib 21 sano oo ay duullaan ku joogeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items