2 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaan katirsan Mandheera.

Saturday June 12, 2021 - 10:42:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaan katirsan Mandheera.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.


Weerar dhabbagal ah oo ka dhacay inta u dhaxeysa tuulada Kintoo iyo degmada Taagaabo ee gobolka Mandheera waxaa lagu dilay Labo askari oo Kenyaati ah saddex kale waa lagu dhaawacay.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay saanado hub ah kasoo furteen ciidamada Kenyaatiga ah ee weerarka lagu dilay.

Weerar kale oo lagu beegsaday ciidamo boolis ah oo ku sugnaa gobolka Wajeer ayaa khasaare dhaliyay, warar laga helay tuulada Ceel Raam ee gobolka Mandheera ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday ciidamo melleteri ah.


Dhinaca kale xoogaga jihaadiga ah ayaa weeraray tuulada Kotonton oo katirsan gobolka Wajeer, illaa iyo hadda saraakiisha Kenya wax war ah kamasoo saarin weeraradii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka loo bixiyay waqooyi Bari Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items