Sawirro: Waalidiinta carruurtooda laga iibsaday Eritrea oo dibad bax dhigay.

Thursday June 10, 2021 - 19:57:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Waalidiinta carruurtooda laga iibsaday Eritrea oo dibad bax dhigay.

    Maalmo kadib markii ay soo baxday warbixin xaqiijinaysa in dhalinyaro soomaali ah ay ka dagaallamayaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ayay dibad baxyo ballaaran Muqdisho ka dhaceen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo kadib markii ay soo baxday warbixin xaqiijinaysa in dhalinyaro soomaali ah ay ka dagaallamayaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ayay dibad baxyo ballaaran Muqdisho ka dhaceen.


Boqolaal kamid ah waalidiinta dhalay carruurta ku maqan dalka Eritrea ayaa maanta isugusoo baxay qaar kamid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah waxayna codsanayeen in dib loogusoo celiyo carruurtooda laqalday.

Waalidiinta iskusoo baxyada dhigayay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ah ninka mas'uulka ka ah carruurta loo daabulay Eritrea.

"Madoonayno in carruurteenna laga iibiyo Eritrea, waxaan codsanaynaa in ubadkeena dib loogusoo celiyo dalka" sidaas waxaa tiri hooyo soomaaliyeed.


Dhinaca kale Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka ayaa markale ku celiyay beenintiisa ah in dhalinyarada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalka gobolka Tigray.

Warbixin kasoo baxday Q.Midoobay ayaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyaad soomaali ah loo daad gureeyay gobolka Tigray halkaas oo ay ka jiraan gabood fallo ka dhan ah bani'aadanimada.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items